Wasiir Xaaji oo booqday askartii ku dhaawacantay weerarkii Sh/hoose

Wasiirka Difaaca Somaliya, Xasan Xuseen Xaaji ayaa booqday askartii ku dhaawacantay weerarka Sabtidii ay maleeshiyada Al Shabaab ku qaadeen Degmada Awdheegle iyo deegaanka Bariire ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Wasiirka ayaa askarta ka wareystay xaaladooda caafimaadeed iyo sida uu wax u soo gaaray, isagoona booriyay tallaabada ay ku fashiliyeen weerarkaasi.

“Waxaad ku dhaawacanteen difaaca dadkiina, dalkiina iyo diinteena. Naftiina ayaad u hurteen difaaca qaranimada Somaliya, taariikhdana baaldahab ah ayaad ka gasheen, dadkiinana waa idin xusuusnaan doonaan, oo qalbiyadooda kama go’i doontaan.” Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka oo caafimaad u rajeeyay askartaasi ayaa dhanka kale sheegay in daryeel iyo ka warqab-ba ay ka heli doonaan dowladda.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Sabtidii dagaal adag la galay maleeshiyada Al Shabaab, waxaana lagu tilmaamay mid ka mid ah dagaaladii ugu adkaa ee labada dhinac isaga horyimaadaan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com