Wasiirka Cadaaladda Zambia oo gaaray Magaalada Hargeysa (SAWIRRO)

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Cadaaladda Zambia, Gavin Lubinda ayaa maanta gaaray Magaalada Hargeysa ee Xarunta Somaliland.

Kusimaha ahna Wasiir Kuxigeenka Arimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ee Somaliland, Liibaan Yuusuf Cismaan ayaa wafdigan ku soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Cigaal.

Wararka ayaa sheegaya in wafdiga uu qayb ka yahay la taliyaha gaarka ah ee Madaxweynaha dalkaasi, Edgar Lungu.

Ma cadda ujeedada ay wafdigan u yimaadaan Magaalada Hargeysa, waxaase lagu wadaa muddada ay ku sugan yihiin inay kula kulmaan Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com