Wararkii ugu dambeeyay xaaladaha COVID-19 ee dalka

Wasaaradda Caafimaadka Somaliya ayaa caawa ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyay xanuunka COVID-19 ee dalka laga diiwaangeliyay, afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in xanuunka laga baaray 904 qof, dalka oo dhan, lagana helay 70 qof.

Warbixinta Wasaaradda Caafimaadka ayaa lagu sheegay 39 kiis laga diiwaangeliyay Somaliland, iyadoo Puntland laga diiwaangeliyay 17 kiis, Jubbaland 7 kiis, Banaadir 5 kiis iyo Koonfur Galbeed oo 2 kiis laga diiwaangeliyay.

Dadka xanuunka laga helay 47 ka mid ah waa rag, halka 23 kalena ay haween yihiin, waxaana xanuunka ka bogsaday 41 qof.

Dalka ayaa waxaa 24-kii saac ee la soo dhaafay xanuunka ugu geeriyooday 8 qof, iyadoo 7 qof ugu geeriyoodeen Somaliland, halka qofka kalena uu ugu geeriyooday Magaalada Muqdisho, sida warbixinta lagu sheegay.

Tirada guud xaaladaha xanuunka ee dalka laga diiwaangeliyay ayaa ah 11,978 xaaladood, iyadoo tirada guud ee ka bogsatay ay tahay 5,058 qof, waxaana xanuunka dalka ugu geeriyooday 576 qof.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com