Cismaan Abokar Dubbe, Wasiirka Warfaafinta Somaliya ayaa sheegay inay dowladda ka go’an tahay ka mira-dhalinta shirka looga hadlayo ajandaha shirka wadatashiga qaran.
Shirkan oo Madaxweynaha Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu Sabtidii ka furay Xerada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii uu qabsoomay ku soo dhammaaday natiijo la’aan.
Shirka oo maanta markale lagu waday inay yeeshaan Madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa dib loo dhigay, sida ay ku warantay Warbaahinta Dowladda.

Wasiirka Warfaafinta Somaliya ayaa caawa sheegay inay dowladdu ku dadaali doonto, sidii uu shirkaasi u mira-dhali lahaa.
Wasiirka oo la hadlay Wakaaladda Wararka ee SONNA ayaa xusay in xukuumaddu ka rajo qabto in shirka ku soo dhamaado natiijo wanaagsan iyo in si wadajir ah loo fuliyo heshiiskii 17-kii September.
Doorashada dalka ayaa ka dib dhacday xilligii loogu talagalay inay ku qabsoomto, welina ma jirto waqti heshiis lagu yahay oo doorashada ay dhici doonto.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com