Qoorqoor oo kormeeray furinta hore ee dagaalka (SAWIRRO)

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa maanta kormeer ugu tagay Ciidamada Galmudug iyo Militariga Somaliya ee ku sugan difaaca hore ee deegaanka Sinadhaqo ee Gobolka Galgaduud.

Ciidamada Galmudug oo gacan ka helaya Ciidanka Xoogga Dalka iyo maleeshiyada Al Shabaab ayaa Sabtidii ku dagaalamay deegaankaasi.

Madaxweynaha Galmudug oo u kuurgelayay xaaladda ciidamada ayaa warbixin ka dhageystay Saraakiisha Ciidamada, oo Madaxweynaha uga warbixiyay xaaladda ciidamada.

War ka soo baxay Madaxtooyada Galmudug ayaa lagu yiri “Madaxweynaha ayaa khudbad guubaabo iyo dhiirigelin isugu jirta u jeediyay ciidamada geesiyaasha ah ee ku sugan furiimaha lagu baacsanayo cadowga. Madaxweynaha ayaa la dardaarmay ciidamada iyo saraakiisha goobta ku sugan, isagoona sheegay in la sii wadi doono hawlgalada lagu xoreynayo deegaanada Galmudug iyo guud ahaanba Somaliya.”

Madaxweyne Qoorqoor ayaa waxaa kormeerkan ku wehlinayay Wasiirkiisa Amniga, Axmed Macalin Fiqi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com