Shirka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada oo Muqdisho ka furmay

Waxaa goor dhow Xerada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho ka furmay shirka ay Madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir uga arrinsanayan ajandaha shirka wadatashiga qaran.

Madaxweynaha Somaliya, Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Madaxda Puntland, Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa shirka ka wada qaybgelaya.

Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Somaliya, Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa xaqiijiyay in Madaxda ku sugan yihiin goobta shirka.

Waxaa jira warar sheegaya in horumar laga samayn doono shirka maanta, si horey loogu sii amba-qaado dadaalada loogu gogol xaarayo shirka wadatashiga qaran, ee lagu dhameystirka arrimaha doorashooyinka ee dalka.

Wasiirka Warfaafinta Somaliya, Cismaan Abokar Dubbe ayaa xalay sheegay inay dowladdu ku dadaali doonto, sidii uu shirka u miro-dhali lahaa.

Wasiir Dubbe ayaa bidhaamiyay in xukuumaddu ka rajo qabto in shirka ku soo dhamaado natiijo wanaagsan iyo in si wadajir ah loo fuliyo heshiiskii 17-kii September.

Beesha Caalamka ayaa geed gaaban iyo mid dheerba u fuushay, sidii wadahadalada loo sii wadi lahaa, si dalku doorasho u aado.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com