Waxaa maanta ku eg xilligii Dowladda Kenya u qabatay Qaramada Midoobey inay ku keento qorshe si deg deg ah loogu xirayo xeryaha qaxootiga Dhadhaab iyo Kakuma ee dalkaasi.
Dowladda Kenya ayaa daba-yaaqadii bishii hore ee March sheegtay inay Qaramada Midoobey u gudbisay in ay keento qorshe 14 maalmood loogu xirayo xeryahaasi.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya, Fred Matiang’i ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR la wadaageen barnaamijkooda ay ku doonayaan in muddo dheer ka dib albaabada leeskugu laabo xeryahaasi.
Wasiirka ayaa tani ku sababeeyay, iyadoo furnaanshaha xeryahaasi ay khatar amni ku yihiin amniga dalka, sida uu yiri.

Cismaan Abokar Dubbe, Wasiirka Warfaafinta Somaliya ayaa toddobaadkii hore sheegay inay layaab ku noqotay qorshaha Kenya ay muddada kooban ugu qabatay Hay’adda UNHCR. Wasiir Dubbe waxaa uu sheegay in Xukuumadda Nairobi ay isku khaldeyso arrimaha siyaasadda iyo bani’aadanimada, isagoo intaa ku daray in dadka qaxootiga ay sharci caalami ahi ku jooggaan dalkaasi.
Dowladaha Somaliya, Kenya iyo Hay’adda UNHCR ayaa sanadkii 2013 wada gaaray heshiis saddex geesood ahaa, kaasi oo qeexayay in qaxootiga xeryaha Dhadhaab ay tahay inay dalkooda dib ugu laabtaan, si iskood ah.
Hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa Talaadadii ka digtay in Kenya ay si khasab ah ku xirto xeryahaasi, go’aankaas oo ay sheegtay inuu liddi ku yahay xeerarka caalamiga.
Amnesty International waxay sheegtay inaanan wax cadayn ahi loo hayn qiilka Kenya ee ku aaddan in qaxootiga ku nool xeryahaasi ay khatar amni dalkeeda ku yihiin.
Amnesty International ayaa Kenya ugu yeertay inay dib uga laabato go’aankeeda ka dhanka ah xeryaha qaxootiga Dhadhaab iyo Kakuma.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com