Booliska Gobolka Banaadir oo la hawlgelaya Booliska AMISOM (SAWIRRO)

Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir iyo Booliska AMISOM ayaa isla qaatay in si wadajira u suggaan amniga Magaalada Muqdisho, ka hor inta aan la gaarin doorashooyinka dalka.

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Banaadir, General Saadaq Cumar Xasan ayaa xafiiskiisa Magaalada Muqdisho ku qaabilay Saraakiil ka socotay Taliska Booliska AMISOM, oo uu horkacayay Taliyaha Booliska AMISOM, Augustine Magnus Kailie, waxayna ka wadahadleen qorshaha suggida ee amniga Caasimadda Muqdisho, ka hor xilliga doorashada.

“Ka hor doorashooyinka soo socda ee Soomaaliya, Ciidanka Booliska Soomaaliyeed (SPF) iyo Qaybta Booliska ee Hawlgalka Midowga Afrika ee Somaliya (AMISOM) ayaa xoojinaya amniga Magaalada Muqdisho, iyada oo loo marayo roondooyin wadajir ah, si looga hortago kiisaska rabshadaha iyo amni-darrada.” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska Warbaahinta AMISOM.

Qoraalka ayaa lagu yiri “Qorshaha amniga ee la soo jeediyay ayaa looga hadlay, markii labada dhinac ay ku kulmeen Xarunta Booliska Gobolka Banaadir, oo uu hoggaaminayay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Gobolka Banaadir, General Saadaq Cumar Xasan.”

Dhanka kale Augustine Magnus Kailie ayaa qalab xafiiseed ku wareejiyay Taliye Kuxigeenka Booliska Gobolka Banaadir, General Maxamed Ismaciil. Qalabkan ayaa ahaa deeq uu Hawlgalka Midowga Afrika ugu deeqay Booliska Gobolka Banaadir.

Tani ayaa ku soo aadaysa, xilli muddooyinkii uu gaabis ku yimid hawlgaladii wadajirka ahaa ee labada dhinac ka wada samayn jireen Magaalada Muqdisho.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com