Wiil iyo gabar wada dhashay oo shalay la waayay ayaa maanta meydadkooda laga helay duleedka Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.
Waxaa mar sii horeysay soo baxayay warar sheegaya in wiilka iyo gabadhaasi oo da’doodu ka yar tahay 10 jir lagala baxay kelyaha.

Dr. Cabdullaahi Ibraahim oo ah Madaxa Dhakhaatiirka Koonfur Galbeed, kana hawlgala Isbitaalka weyn ee Baydhabo ayaa ka mid ah dhakhaatiirkii baaritaanka ku sameysay meydadka carruurtaasi, waxaana uu sheegay inaanan wax kelyo ahi lagala bixin.
Dr. Cabdullaahi Ibraahim oo la hadlay BBC ayaa sheegay in meydadka carruurta uu ka muuqdo dhaawacyo is isku mida loogu gaystay.
“Labadooda waxay leeyihiin dhaawacyo qoorta qaybta hore iyo gadaalba ah, qaybta gadaal toorey baa uga taalay, caloosha sidoo kale waxaa uga taalay mindi, dhinaca kelida midig ayaa jeexneyd illaa iyo gadaal. Marka xubnihii markii la fiiriyay sidoodii ayay ugu yaallaan, ma jirin wax xubno ah oo lagala baxay, inkastoo dadka ay dhahayeen markii hore kelyahaa lagala baxay, laakiin manoo muuqanin in xubin lagala baxay.” Ayuu yiri Dr. Cabdullaahi Ibraahim.
Dr. Cabdullaahi Ibraahim ayaa sheegay inaanay horey ula kulmin carruur sidaan oo kale loogu dhibaateeyay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.
Hay’adaha ammaanka ee Koonfur Galbeed ayaa wada baaritaano ku aaddan afduubka iyo dilka carruurtaasi loogu gaystay magaaladaasi.
Dhacdadan ayaa noqotay midda loogu hadalhaynta badan yahay Magaalada Baydhabo, iyadoona ay walaac ku abuurtay waalidiin badan.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com