Hawlgal guri guri oo laga sameeyay deegaanka Mubaarak (SAWIRRO)

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maanta hawlgal guri guri ah ka sameeyay deegaanka Mubaarak ee Gobolka Shabellaha Hoose, ka dib weerarkii dhiigga badani ku daatay ee Sabtidii ka dhacay Degmada Awdheegle iyo deegaanka Bariire.

Hawlgalkan oo ujeedkiisu ahaa burburinta goobaha ay gabaadka ka dhigtaan maleeshiyada Al Shabaab ayaa lagu beegsanayay guri kastaa oo deegaankaasi ku yaala.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa la arkaayay iyagoo baaritaan ku sameynaya oo fatashaya agabyada yaala guryahaasi.

Intii uu hawlgalku socday ayay Ciidanka Xoogga Dalka gacanta ku soo dhigeen xubno uu ka mid yahay Madaxii Maaliyadda Al Shabaab ee deegaankaasi, Abu Salmaan, sida ay ku warantay Idaacadda Codka Ciidamada.

Hawlgalkan ayaa qayb ka ah hawlgalada ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab, ka dib weerarkii Awdheegle iyo Bariire.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com