Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay amniga, COVID-19 iyo abaaraha

Shirka Golaha Wasiirada oo uu shir guddoomiyay Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa looga hadlay amniga, abaaraha iyo saameynta caafimaad ee dalka uu ku yeeshay safmarka COVID-19.

Golaha Wasiirada ayaa warbixinno la xiriira amniga iyo hawlgalada dalka socda ka dhageystay Wasiirada Amniga iyo Gaashaandhigga, waxayna tilmaameen in xilligan loo diyaargaroobayo bisha barakeysan ee Ramadaan, ay jiraan feejignaan dhinaca amniga ah.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa golaha warbixin ka siisay xaaladihii u dambeeyey ee xanuunka COVID-19 uu ku yeeshay dalka, waxayna sheegtay in guud ahaan dalka ay ka soconayaan dadaalada lagu badbaadinayo nafta dadka Soomaaliyeed.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa ka codsaday ganacsatada Soomaaliyeed in qiimaha maciishada hoos loo dhigo bisha Ramadaan, isla-markaana bulshadu is caawiso, bacdamaa uu dalka saamayn dhaqaale ku yeeshay safmarka jira.

Golaha Wasiirada ayaa ugu danbeen warbixin ka dhageystay Guddiga abaaraha oo ka hadlay dhibaatooyinka ka dhashay abaaraha ku dhuftay qaar ka mid ah deegaanada Koonfurta iyo bartamaha Somaliya, wuxuuna goluhu ansixiyay xubin ka tirsan Guddiga doorashooyinka, oo ay soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com