Guluf ciidan oo ka socda Bariga Gobolka Galgaduud (SAWIRRO)

Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya Xoogaga Galmudug ayaa dhaqdhaqaaq ciidan ka wada Bariga Gobolka Galgaduud, iyadoona uu ujeedku yahay in maleeshiyada Al Shabaab laga saaro deegaanada ay gobolkaasi kaga sugan yihiin.

Ciidamada ayaa ku sii siqaaya deegaanka Ceel-lahelay oo hoos-tagga Magaalada Ceelbuur. Haddii si kale loo dhigana waxa uu deegaankaas ku yaallaa inta u dhaxeyso Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Ceelbuur.

Hawlgalkan ayaa waxaa horkacaya Taliyaha Guutada 15aad Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Mascuud Maxamed Warsame.

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo Talaadadii kormeeray labada ciidan ayaa ugu baaqay inay dardargeliyaan gulufka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.

Warar kale ayaa sheegaya in Madaxtooyada Galmudug ay dooneyso in Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama laga fogeeyo aagga Magaalada Dhuusamareeb, xilli ay foodda inagu soo hayso bisha barakeysan ee Ramadan. Shabaabka ayaa looga bartay inay kordhiyaan weerarada iyo dilalka qorsheysan, inta lagu guda jiro bishaasi.

Maleeshiyada Al Shabaab ayaa bisha Ramadan weeraro iyo dilalba ka fuliya magaalooyinka ay maamulaan Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada dalka ka dhisan.

Shirkii Golaha Wasiirada Somaliya ee Khamiistii ayaa warbixino looga dhageystay Wasiirada Amniga iyo Gaashaandhigga, kuwaa oo sheegay in xilligan oo loo diyaargaroobayo bisha Ramadan, ay jiraan feejignaan dhinaca amniga ah.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com