Ismiidaaminta ka dhacday Baydhabo + khasaaraha (SAWIRRO)

Nin xirnaa jaakadda ka sameysan walxaha qarxa ayaa maanta isku qarxiyay goob uu ka ag-dhawaa Gudoomiyaha Gobolka Baay, Cali Wardheere Cabdiraxmaan (Cali Dooyow).

Ninkan ayaa Gudoomiyaha ku weeraray afaafka hore Maqaaxida Suweys ee Bartamaha Magaalada Baydhabo, oo markaasi uu ku sugnaa. Goobta uu weerarku ka dhacay ayaana ku dhow Bankiga Dhexe ee Baydhabo.

Goobjooge ayaa sheegay in xilligii uu weerarku dhacayay Gudoomiyaha Gobolka Baay iyo xubno kale oo la socday inay ku shaahayeen halkaasi.

Goobjoogaha ayaa xaqiijiyay in Gudoomiyuhu ka badbaaday weerarkaasi, balse ay ku dhinteen, kuna dhaawacmeen dadkii kale ee goobta ku sugnaa, qaarkood.

Weerarkan ayaa waxaa ku dhintay afar qof, halka sagaal kalena ay ku dhaawacantay, sida ay xaqiijiyeen laamaha amniga.

Agaasimaha Isbitaalka Guud ee Baydhabo, Cabdifitaax Ibraahim Xaashi (Gaabow) ayaa sheegay in isbitaalkooda la soo gaariyay dhaawacyada kow iyo toban qof, inkastoo laba ka mida ay u geeriyoodeen dhaawacyadii ay qabeen.

Ururka Al Shabaab oo sheegtay masuuliyadda weerarkaasi ayaa sheegay in uu bartilmaameedkoodu ahaa Gudoomiye Dooyow.

Taliska Booliska Koonfur Galbeed ayaa war uu soo saaray waxa uu dadweynaha Baydhabo ugu yeeray inay ka feejignaadaan meelaha leeskugu yimaado, isla-markaana ay fadhi ku dirirka joojiyaan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com