Madaxweynaha Jabuuti oo markii 5aad xilka loo doortay

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa markii 5aad loo doortay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, ka dib doorashadii madaxtinimada ee Jimcihii ka dhacday dalkaasi.

Madaxweyne Geelle ayaa helay in ka badan boqolkiiba sagaashan iyo sideed (98%) codadkii la dhiibtay, sida ku cad natiijada horudhaca, ee uu ku dhawaaqay Wasiirka Arrimaha Gudaha Jabuuti, Muumin Axmed Sheekh.

Musharax Sakariye Ismaaciil Faarax oo ah musharaxa keliya ee doorashada kula tartamayay Madaxweyne Geelle ayaa Jimcihii diiday inuu codkiisa dhiibto, ka dib markii uu ka cowday kooxda u qaabilsan korjoogteynta goobaha codeynta loo diiday inay shaqadooda qabsadaan.

Xisbiyada Mucaaradka ee Jabuuti ayaa bishii hore ee March qaadacay doorashadaasi, ka dib markii ay sheegeen inaanay xor iyo xalaal ahayn.

Madaxweyne Geelle oo tan iyo sanadkii 1999-kii soo maamulayay dalkaasi ayaa dhawaan sheegay inay doorashadan noqon doonto middii ugu dambeysay, ee uu isu soo sharaxo.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com