Daraawiishta Galmudug oo xoog kula wareegay Kontoroolada Koonfurta Gaalkacyo

Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Ciidanka Daraawiishta Galmudug la wareegeen kontoroolada laga soo galo Koonfurta Gaalkacyo.

Ciidankan ayaa la sheegay inay ka yimaadeen dhanka xerada tababarka ee Indha-qaris, oo qiyaastii 40km u jirta Magaalada Gaalkacyo.

Wararka ayaa sheegaya in ciidanku ka cabanayaan mushaar la’aan muddo billo ah, iyagoona saakay la wareegay illaa saddex kontorool oo ku yaala dhinaca koonfureed ee Gaalkacyo.

Wariye-yaasha ayaa soo sheegaya Ciidanka Daraawiishta oo wata gaadiidka dagaalka inay xanibeen isu socodkii gaadiidka ee magaalada, iyagoona dib u celinaya gaadiidka magaalada imaanaya iyo kuwa kale ee ka baxaya.

Dhanka kale Shaqaalaha Rayidka Galmudug ayaa sidoo kale ka cabanaya mushaar la’aan dhowr bilood ah, sida ay xaqiijiyeen shaqaalaha qaarkood.

Saraakiisha Ciidamada Galmudug, Maamulka Gobolka Mudug iyo kan Degmada Gaalkacyo ayaa wada dadaalo lagu xalinayo cabashada ciidamada.

15-kii bishii January ayay ahayd markii Daraawiishta Galmudug ee fadhigoodu yahay Xerada Dhan-karoone ee deegaanka Gelinsoor ee Gobolka Galgaduud, ay xireen wadada laamiga ee ay isaga kala gooshaan gaadiidka ganacsiga ee isaga kala gudba Gobolada Koonfurta & Bartamaha Somaliya, iyagoo markaasi ka cabanaya bilaa mushaar.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com