General Kamey “Dilka Gudoomiyihii Degmada Hodan wuxuu ahaa mid bareer ah”

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, General Cabdullaahi Buule Kamey ayaa shaaca ka qaaday in si bareer ah, ay Ciidamada Dowladda u dileen Gudoomiyihii Degmada Hodan ee Maamulka Gobolka Banaadir, Cabdixakiin Cabdiraxmaan Ciise (Dhegajuun).

Gudoomiyaha ayaa 21-kii bishii January lagu dilay inta u dhaxeyso Isgoysyada Howlwadaag iyo Aadan Cadde ee Degmada Howlwadaag, ka dib israsaaseyn dhex martay ilaaladiisii iyo Ciidamada Booliska.

Guddigii dhacdadaasi baarayay ayaa Sabtidii shalay waxay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Qaranka u gudbiyeen natiijada baaritaanka.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay inay baaritaanka ku ogaadeen in si ula kac ah loo dilay Gudoomiyihii Degmada Hodan.

Xeer Ilaaliyaha ayaa tilmaamay inay guda geli doonaan eedeymo ay ku soo ooggaan eedeysaneyaasha, si sharciga loo marsiiyo.

General Kamey ayaa intaa ku daray in Axadda maanta ay ku dhawaaqi doonaan magacyada eedeysaneyaasha, lana muddayn doono maxkamadayntooda.

Dadweyne ka carooday dilka Gudoomiyaha ayaa isku soo bax ka dhigay Isgoyska Tarabuunka ee Degmada Hodan, iyagoona Dowladda Federaalka ka dalbaday in marxuumka uu cadaalad helo. Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga, Farxaan Cali Axmed ayaa xilligaa dadweynaha ugu baaqay inay is dejiyaan, isagoo markaasi sheegay in dilka Gudoomiyaha loo soo xiray Saraakiishii iyo Ciidamadii Booliska ee dilkaasi ku lugta lahaa, dowladooduna ay ku kalsoonaadaan.

Xasan Xundubey Jimcaale, Wasiirka Amniga Somaliya ayaa qoyska marxuum Cabdixakiin Dhegajuun u rajeeyay inay cadaalad helaan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com