Qoysaskan ayaa soo gaaray Degmada Berdaale ee Gobolka Baay, ka dib markii maleeshiyada Al Shabaab ay ka soo barakiciyeen deegaanada hoos yimaada degmadaasi.
Dadka deegaanka ayaa ka horyimid in maleeshiyada Al Shabaab ay carruurtooda askareeyaan, sida uu sheegay Gudoomiyaha Degmada Berdaale, Maxamed Isaaq Caracase.
“Maadaama dadkan ay nimankaas cadowga ah ka diideen inay carruurtooda askareeyaan, waxay soo socotayba hadda waxay go’aan ku gaareen nimankaas cadowga ah inay dadkaas soo barakiciyaan, oo 18 tuulo ay ka soo barakiciyeen. Dadkan waxay ku sugan yihiin Degmada Berdaale, maadaama naga amar diideen meeshaad wax ku ogtihiin raadsada ayay dhaheen.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Degmada Berdaale.
Gudoomiyaha ayaa yiri “Waad ogtahay nimankan Shabaabka deegaanada fara ku tiriska ay jooggaan waxay rabaan inay ciyaalka yar yar askareeyaan, si markaasi ay weerarada is qarxinta ugu adeegsadaan, dagaal-na ay geliyaan.”

Gudoomiyaha ayaa maleeshiyada Al Shabaab ku eedeeyay inuu itaalkooda noqday in ay si khasaba guryahooda uga soo barakiciyaan dadka rayidka.
“Tabartooda waxay noqotay inay dadka shacabka soo barakiciyaan, raashiinka iyo alaabtana ay ka soo reebtaan, ayna dhahaan meeshaad wax ku ogtihiin raadsada.” Ayuu yiri Maxamed Isaaq Caracase, Gudoomiyaha Degmada Berdaale.
Caracase ayaa yiri “Dowladda baaqeena waan gaarsiinay, nimankan in leeska dhiciyo mooyee, wax kale oo ay nooga harayaan malahan.”
Caracase ayaa intaa ku daray inaysan jirin wax ay wataan qoysaskaasi, isagoona ku baaqay in loo soo gurmado, bacdamaa ay foodda inagu soo hayso bisha barakeysan ee Ramadan.
Deegaanada laga soo barakiciyay qoysaskan ayaa ku wanaagsanaa wax soo saarka, iyadoona laga keeni jiray khudaarta noocyadeeda kala duwan.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com