Wasiirka Caafimaadka Somaliya, Foosiya Abiikar Nuur ayaa maanta tallaalka SINOVAC ee Shiinuhu sameeyo ka guddoontay Safiirka Shiinaha ee dalka u joogga, Amb. Qin Jian.
Tallaalka ayaa laga soo dejiyay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde, waxaaana munaasabdda la wareegidda tallaalka goobjoog ka ahaa Wasiiradda Caafimaadka, Wasiirka Warfaafinta, Cismaan Abuukar Dubbe, Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Caafimaadka, Axmed Xuseen Macalin, Agaasimaha Wasaaradda Caafimaadka iyo xubno ka socday Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha iyo Wasaaradda Arimaha Dibidda.
Tallaalka SINOVAC ee maanta dalka la keenay ayaa dhan 200,000 doos oo la rajeynayo inay qaataan illaa 100,000 qof, oo u kala qaadan doono wejiga 1aad iyo wejiga 2aad
Wasiirad Foosiya ayaa u mahadcelisay Dowladda Shiinaha iyo Danjire Qin Jian, iyadoona sheegtay in tallaalka uu Somaliya ka caawin doonto ka hortagga fayriska Corona.
Shiinaha ayaa tallaalkan siinaya illaa 53 dal, oo Somaliya ay ka mid tahay.










Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com