Waiirka Gaashaandhigga Somaliya, Xasan Xuseen Xaaji ayaa gelinkii dambe ee Sabtidii Magaalada Muqdisho kula kulmay Saraakiil ka tirsan Saraakiisha Ciidamada Mareykanka ee dalka ku sugan.
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka militari ee labada dal, dardargelinta tababarada iyo taageerada uu Mareykanku siiyo Militariga Somaliya.

“Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Xasan Xuseen Xaaji ayaa kulan la qaatay Saraakiil ka tirsan Taliska Ciidamada Mareykanka ee Somaliya. Kulanka ayaa ku qotomay xoojinta xiriirka militari ee ka dhaxeeya Somaliya iyo Mareykanka iyo sidii loo dardargelin lahaa hawlaha tababarada iyo taageerada ay Mareykanka siiyaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga.
Tan iyo markii uu xilka qabtay Madaxweyne Joe Biden ayuu Mareykanku yareeyay hawlgaladii ka dhanka ahaa maleeshiyada Al Shabaab.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com