Rooble “Sharaf ayay ii tahay in aan qaabilay, waqtina la qaatay Aadan Maxamed Cali”

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay Xafiiskiisa Magaalada Muqdisho ku qaabilay Wasiirkii hore ee Waxbarashada dalka, Aadan Maxamed Cali.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa Wasiirkii hore ee Waxbarashada ku ammaanay inuu kaalin mug leh ka soo qaatay tayeynta iyo horumarinta waxbarashada dalka.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa sidoo kale sheegay inuu ka dhageystay talooyinka uu ku sheegay dhaxal gal, isla-markaana uu u rajeeyay caafimaad iyo cimri dheeri.

“Sharaf ayay ii tahay in aan qaabilay, waqtina la qaatay Mudane Aadan Maxamed Cali, Wasiirkii hore ee Waxbarashada dalka oo kaalin mug leh ka soo qaatay tayeynta iyo horumarinta waxbarashada dalka. Waxaan ka dhageystay talooyin dhaxal gal ah, anigoo u rajeeyay caafimaad iyo cimri dheer.” Ayuu yiri Rooble oo warkan ku sheegay bartiisa Twitter-ka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com