Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Banaadir, General Saadaq Cumar Xasan ayaa ku dhawaaqay in la joojiyay kulankii maanta ay Xildhibaanada Golaha Shacabka ku lahaayen Xarunta Villa Hargeisa ee Magaalada Muqdisho.
Taliyaha ayaa sheegay in sababta loo hakiyay kulankaasi uu yahay, si looga hortaggo rabshado ama boob ka dhaca Magaalada Muqdisho.
“Waxaan maanta hakinay kulankii ay lahaayeen Baarlamaanka, waxaa loo baahan yahay in wax boob ah dhicin, Isfaham siyaasadeed-na la gaaro.” Ayuu yiri Taliyaha.

Taliyaha ayaa ka codsaday Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Maxamed Xuseen Rooble in uu dib u bilaabo wadahadaladii xalka loogu raadinayay arrimaha doorashooyinka ee dalka.
General Saadaq Cumar Xasan, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Banaadir ayaa sheegay inay siyaasiyiinta dalka ka doonayaan siyaasad ay ku mideysan yihiin, isla-markaana ay danta gaarka ka hormariyaan tan qaranka.
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta Xarunta Villa Hargeisa ku lahaa kulan, ay kaga doodi lahaayen Mooshin la xiriira doorashooyinka dalka.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com