Deegaanada Soomaalida oo maanta laga wada sooman yahay

Inta badan wadamada Islaamka iyo dunida oo dhan ayaa maanta laga sooman yahay maalinta 1aad ee bisha barakeysan ee Ramadan, ka dib markii xalay qaybo ka mida dunida laga arkay bilashada bisha soon-qaad, iyadoona Dowladaha Sacuudiga, Qatar iyo Emirate-ka ay iclaamiyeen in maanta ay bisha Ramadan kow tahay.

Deegaanada Soomaalida ayaa sidoo kale maanta laga sooman yahay maalinta 1aad ee bisha Ramadan, iyadoo Dowladda Somaliya ay xalay ku dhawaaqday in Talaadadan la soomi doono.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Awqaafta & Arrimaha Diinta ee Somaliya, Maxamuud Macalin Yaxye ayaa xalay sheegay in bilashada bisha laga arkay deegaano ka tirsan Puntland iyo Hirshabelle.

Deegaanada ay maamusho Al Shabaab ayaa sidoo kale maanta laga sooman yahay, ka dib markii Idaacadda afka Shabaabka ku hadasha ee Andalus ay xalay baahisay in maanta la soomi doono.

Guud ahaan deegaanada Soomaalida ayaa waxaa muuqata in si isku mida looga sooman yahay maalinta 1aad ee bisha Ramadan, bacdamaa ay bisha Shacbaan soddon ku dhammaatay.

Madaxda Soomaalida ayaa ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha barakeysan ee Ramadan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com