Madaxda Jubbaland iyo Puntland oo isaga tagay Magaalada Muqdisho

Madaxda Dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ayaa maanta ka safray Magaalada Muqdisho, iyagoona kala gaaray Magaalooyinka Kismaayo iyo Garoowe.

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Madaxweynaha Jubbaland ayaa gaaray Magaalada Kismaayo, halka Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Puntland uu isna gaaray Garoowe.

Labada Madaxweyne ayaa tan iyo bishii March ku sugnaa Magaalada Muqdisho, iyagoona u joogay dadaalada xalka loogu raadinayay hannaanka geedi-socodka ee doorashooyinka dalka.

Soo geba-gabeenta joogitaankoodii Magaalada Muqdisho ayaa imaanaysa maalin uun ka dib, markii Xildhibaanada Golaha Shacabka ay meelmariyeen sharciga gaarka ee dalka dib loogu celinayo doorasho qof iyo cod ah.

Ka hor inta aanay ka dhoofin Garoonka Aadan Cadde ayaa waxay saakay Caasimadda Muqdisho kula kulmeen xubno ka tirsan Golaha Midowga Musharaxiinta iyo Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, intuba waxay ku mideysan yihiin Madasha Badbaado Qaran, oo 18-kii bishii March looga dhawaaqay Magaalada Muqdisho.

Kulankaasi ka dib labada Madaxweyne ayaa kulan kale Xerada Xalane kula yeeshay Wakiilada Beesha Caalamka, lamana ogo waxyaabihii ay ka wadahadleen.

Wadahadaladii xalka loogu raadinayay arrimaha doorashooyinka ee dalka ayaa Arbacadii guuldareystay, ka dib markii Dowladda Federaalka ay Maamulada Puntland iyo Jubbaland ku eedeysay inay curyaamiyeen wadahadaladaasi, taasoo ay labada maamul si adag u beeniyeen.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com