Madaxweynaha oo Gudoomiye cusub u magacaabay Jaamacadda Ummadda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u magacaabay Dr. Xasan Cumar Mahadalle in uu noqdo Gudoomiyaha Jaamacadda Ummadda, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Villa Somalia.

Madaxweynaha ayaa u rajeeyay Dr. Mahadalle in uu xilkan culus u guto si xilkasnimo leh, kaalin mug lehna uu ka gaysto tayeynta tacliinta sare ee dalka.

Jaamacadda Ummadda ayaa ku xirmatay dagaaladii sokeeye, iyadoona dib loo hawlgeliyay dhowr hore horteed.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com