Madaxweynaha Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa darajadii ciidanimo ka xayuubiyay Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir, General Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon), sida ay baahisay Wakaaladda Wararka SONNA.
Madaxweynaha Somaliya ayaa sidoo kale Taliyihii hore ka xayuubiyay wixii xuquuq ahaa ee uu lahaa.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa xeer Madaxweyne darajadii ciidanka kaga xayuubiyay Taliyihii hore ee Booliska Gobolka Banaadir Sareeye Guuto, Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon). Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa sidoo kale si waafaqsan sharciga ciidamada qalabka waxaa uu ka xayuubiyay Saadaq Cumar, waxii xuquuq ah uu lahaa.” Ayaa lagu yiri warka SONNA.
Saadaq Joon ayaa Isniintii shalay hakiyay kulan ay Xildhibaanada Golaha Shacabka ku lahaayen Xaruntooda Villa Hargeisa, oo Villa Somalia ku dhex taalo.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa isla shalay xilka ka qaaday Saadaq John, isagoona Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Banaadir u magacaabay G/dhexe Farxaan Maxamed Aadan (Farxaan Qaroole), oo loo dalacsiiyay darajada Gaashaanle Sare. Farxaan Qaroole ayaana ahaa Taliyihii Booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com