Midowga Musharaxiinta oo baaq ka duwan baaqyadii hore ugu baaqay Beesha Caalamka

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa si adag uga horyimid sharciga gaarka ah ee muddo kordhinta loogu sameynayo Hay’adaha Dowladda Federaalka.

Xildhibanaada Golaha Shacabka ayaa Isniintii meelmariyay sharciga gaarka ee jiheynta doorashooyinka heer federaal, dalkana dib loogu celinayo doorasho qof iyo cod ah.

Midowga Musharaxiinta ayaa tani ku tilmaamay sharci-darro uu ku kacay Gudoomiyaha Golaha Shacabka, ee muddo xileedkiisu dhammaaday.

Midowga Musharaxiinta ayaa shacabka Soomaaliyeed ka codsaday in meel qura kaga soo wada jeestaan kaligii talisnimada dalka lagu burburinayo, sida ay Warsaxaafadeed ku sheegeen.

Golaha Midowga Musharaxiinta oo si weyn uga biyo diidan muddo kordhinta Hay’adaha Federaalka ayaa Beesha Caalamka ugu baaqay inay tallaabo laga qaaddo waxa ay ugu yeereen shakhsiyaadka halista ku ah deganaanshaha iyo xasilloonida Somaliya.

Waa markii ugu horeysay oo Midowga Musharaxiinta ay Beesha Caalamka ugu baaqaan in tallaabo laga qaado Madaxweyne Farmaajo iyo xubnaha kale ee ku xeeran.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com