Bayaanka Beesha Caalamka ee muddo kororsiga Dowladda Federaalka

Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Kanada, Danmark, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka IGAD, Ireland, Italy, Netherlands, Norway, Spain, Sweden, Switzerland, Boqortooyada Ingiriiska, Mareykanka iyo Qaramada Midoobay ayaa bayaan wadajir ah ka soo saaray xaaladda siyaasadeed ee dalka, ka dib markii Xildhibaanada Golaha Shacabka ay meelmariyeen Sharciga gaarka ee muddada labada sano loogu kordhinayo Hay’adaha Dowladda Federaalka.

Bayaanka ayaa lagu yiri “Waxaan si isdaba joog ah u sheegnay in aan la taageeri doonin geeddi-socod siyaasadeed oo is barbar socda, doorashooyin aan loo dhamayn, ama dadaallo cusub oo keenaya kordhinta muddo xileedkii hore.

Qaraarka 12-kii Apriil wuxuu wiiqayaa nabadda, amniga, iyo xasilloonida Soomaaliya iyo meelo ka baxsan. Qaraarkan ayaa sidoo kale sii daahin doona qabashada doorashooyin lagu kalsoonaan karo kuwaas oo ay sugayeen dadka Soomaaliyeed.

Waxaan ku qanacsannahay in hirgelinta heshiiskii 17-kii September uu yahay hanaanka ugu wanaagsan ee waxqabad ee la heli karo sidaa darteed, waxaan ku boorinaynaa madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka inay si dhakhso leh ugu soo laabtaan wadahadallada si loogu heshiiyo habka hawsha horey loogusii wedi lahaa.

Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyada inay aad isku xakameeyaan, ayna sii wadaan wadahadalka, iskana ilaaliyaan ficillada halka dhinac ah ee kicin kara xiisadaha. Waxaan diyaar u nahay inaan bixinno adeegyada dhexdhexaadinta si loo fududeeyo loona soo nooleeyo wadahadal loo dhan yahay oo ku saleysan heshiiskii 17-kii September.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com