Madaxweynaha Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xilligii afurka ka dib saxiixay Sharciga gaarka, ee muddo kordhinta labada sano loogu sameynayo Hay’adaha Dowladda Federaalka.
Xildhibanaada Golaha Shacabka ayaa Isniintii meelmariyay Sharcigan, oo ku qotoma jiheynta doorashooyinka heer federaal, dalkana dib loogu celinayo doorasho qof iyo cod ah.

Qoraal lagu baahiyay Warbaahinta Dowladda ayaa lagu sheegay “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa caawa afurkii ka dib saxiixay Sharciga gaarka ah ee jihaynta doorashooyinka heer federaal oo Baarlamaanka Somaliya aqlabiyad ku ansixiyay.”
Qaraarka Baarlamaanka uu muddo xileedkiisu dhamamaday ayaa waxaa si weyn uga horyimid Golaha Midowga Musharaxiinta, Maamulada Puntland, Jubbaland, Ururada Bulshada Rayidka iyo Midowga Yurub.
Tallaabada uu Madaxweynuhu ku saxiixay Sharcigan doodda badan dhaliyay ayaa ku soo aadaya, xilli uu kordhayo cadaadiska Villa Somalia uga imaanaya saaxiibada caalamka ee Somaliya.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com