Antony Blinken, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sheegay inay Xukuumadda Washington aad uga xumaatay qaraarkii Golaha Shacabka ee labada sano ugu kordhiyay Hay’adaha Dowladda Federaalka.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sheegay inay marar badan ku celceliyeen muhiimadda ay dalka u leedahay in Madaxda Soomaalida heshiis ka gaaraan arrimaha doorashooyinka ee dalka.
Antony Blinken ayaa Warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in Mareykanku uu tallaabo ka qaadi doono Madaxda Dowladda Federaalka, haddii ay dhaqangeliyaan Sharciga gaarka ah ee Golaha Shacabku meelmariyay.

Warsaxaafadeeedka Antony Blinken ayaa u qornaa:-
Waxaan si isdaba joog ah carabka ugu adkeynay inay muhiim u tahay nabadda, xasiloonida, barwaaqada iyo dowladnimada Somaliya in Dowlada Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ay gaaraan heshiis la isku raacsan yahay, oo ku saabsan dariiqa loo marayo geedi-socodka doorashooyinka. Waxaan sidoo kale si cad u sheegnay in Mareykanku uusan taageereyn muddo kordhinta, iyadoo aan taageero ballaaran laga helin daneeye-yaasha siyaasadda ee Somaliya, sidoo kale Mareykanku ma taageerayo hannaanka doorashooyin isbarbar socda ama qayb ah. Tallaabooyinka noocaanoo kale ah waxay noqon doonaan kuwo si qoto dheer u kala qaybiya/wiiqa hannaanka federaalka iyo dib-u-habeyntii siyaasadeed ee halbowlaha u ahaa horumarka dalka iyo iskaashiga lala yeelanayo beesha caalamka, waxayna ka weecinayaan ka hortagga Al Shabaab. Waxay sidoo kale dib u dhac ku tahay qabashada doorashooyinka ballanqaadkii ahaa ee ay sugayeen shacabka Soomaaliyeed.
Dhaqangelinta sharcigan ayaa caqabad weyn ku noqon doona wadahadalka, isla-markaana sii wiiqaya nabadda iyo amniga Somaliya. Waxay ku khasbi doontaa Mareykanka inuu dib u qiimeeyo xiriirkeenna laba geesoodka ah ee aan la leenahay Dowladda Federaalka Somaliya, oo ay ku jirto ka qayb qaadashada diblomaasiyadeed, kaalmada iyo in la tixgeliyo dhammaan aaladaha la heli karo, oo ay ku jiraan cunaqabateynta iyo xadidaadda fiisaha, si looga jawaabo dadaalada lagu wiiqayo nabadda iyo xasilloonida.
Waxaan ugu baaqeynaa Dowlada Federaalka Somaliya iyo hoggaamiye-yaasha Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federaalka inay si deg deg ah ugu soo laabtaan wadahadalada, isla-markaana ay isla meel dhigaan wadadii horey loogu mari lahaa xalinta xiisadda doorashada. Waxaan ku boorineynaa dhammaan dhinacyada inay is xakameeyaan, sii wadaan wadahadalka, ayna ka fogaadaan ficilo dheeriya oo hal dhinac ah oo sii hurinaya xiisadaha, isla-markaana wiiqaya geedi-socodka dimoqraadiyadda iyo Hay’adaha Somaliya.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com