Hawlgal dad lagu qabqabtay oo laga sameeyay K/Gaalkacyo (SAWIRRO)

Ciidanka Nabad Suggida Galmudug oo kaashanaya Booliska Gobolka Mudug ayaa xalay hawlgal amni xaqiijin ah ka sameeyay Koonfurta Magaalada Gaalkacyo.

Ciidamada oo watay gaadiidka dagaalka ayaa la arkayay iyagoo istaajinaya, su’aalana weydiinaya dhalinyarada, waxayna xarumaha laamaha ammaanka u kaxeynayeen cid kastoo ay tuhmaan.

Wariye-yaasha ayaa soo sheegaya in labada ciidan ay hawlgalka ku qabqabteen tiro dhalinyaro ah, isla-markaana ay geeyeen xarumaha hay’adaha amniga.

Saraakiisha Ciidamada Galmudug ayaan ka hadlin hawlgalkan ugu dambeeyay ee laga sameeyay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Warbaahinta ayaa fahamsan in hawlgalkan uu qayb ka yahay dadaalada looga hortaggayo weerarada maleeshiyada Al Shabaab, inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadan.

Shabaabka ayaa bisha Ramadan kordhiya weerarada iyo dilalka qorsheysan, ee ay ka gaystaan magaalooyinka ay maamulaan Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo Axaddii la kulmay Saraakiisha hay’adaha ammaanka ee dalka ayaa faray in sare loo qaado feejignaanta dhanka amniga, soddonka maalmood ee bisha soon-qaad.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com