Magaalada Xudur oo laga oogay Salaad Roob doon ah (SAWIRRO)

Boqolaal ka mid ah shacabka ku dhaqan Magaalada Xudur ayaa maanta isugu soo baxay goobta lagu tukaday salaadda Roobdoonta oo Alle looga baryay in naxariistiisa u soo dejiyo, waxaana bulshada kala duwan ee soo xaadirtay lafaray in ay iscafiyaan, Allena u towbad keenaan, masaakiintana ay caawiyaan.

Dadka ku sugnaa goobta Alla bariga waxa wajiyahooda ka muuqday khushuuc iyo sida ay ugu baahan yihiin Raxmadda Eebbe, marka laga baxay salaadda roobdoonka waxa warbaahinta Qaranka oo ka qeyb gashay la hadlay qaar ka mid ah bulshada oo sheegay in ujeedka isu imaantankooda uu ahaa Alle bari iyo inay is cafiyaan.

Sanadka gu’ga oo lafiyayay roobka in xilligaan ka soo hormaro waqtiga hadda la joogo oo bisha April 16 marayso wali roob ma di’in, bulshada gobolka Bakool intooda badan waa beeralay iyo xoola dhaqato, beeraha waqti hore ayaa la abuuray,  xoola dhaqatada waxay u barakaceen deegaanno kale, waxa lagu gudajiraa bisha barakaysan ee Ramadaan hase ahaatee waxa la wajahayaa kuleyl iyo biyo la’aan, taasoo sabab u ah isusoo baxa lagu oogay salaadda roob doonka ee maanta laga tukaday Magaalada Xudur.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com