Taliska Xoogga Dalka & AMISOM oo ka hadlay hawlgalada (SAWIRRO)

Talisyada Ciidanka Xoogga Dalka iyo AMISOM ayaa ka wadahadlay, sidii loo xoojin lahaa wadashaqaynta ay leeyihiin, si loo dardargeliyo hawlgalada.

General Odawaa Yuusuf Raage,Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ku booriyay Taliska AMISOM in waxyaabaha ka soo baxay shirkan ay miro dhalaan, oo aynaan noqon wax afka baarkiisa uun ku eg.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay inay muhiim u tahay dardargelinta hawlgalada, si dhibaatooyinka argagixisada looga dulqaado dadka rayidka ah.

“Waxaa loo baahan yahay qorshahaan inuu noqdo mid miro dhalo, si dalka looga saaro argagixisada dhibaatooyinka ku haya shacabka, waana muhiim inaan si wadajir ah uga shaqayno.” Ayuu yiri General Odawaa.

Saraakiisha Midowga Afrika waxay soo dhaweeyeen baaqa Taliska Militariga Somaliya, iyagoona ballanqaaday inay dhankooda ka dardargelin doonaan hawlgalada.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com