Deni oo wadatashi la sameeyay Baarlamaanka Puntland (SAWIRRO)

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo uu wehliyo Madaxweyne Kuxigeenka, Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) ayaa maanta hortagay Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland.

Kulanka oo dibadjoog ay Saxaafadda ka ahayd ayaa waxaa ka qaybgalay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Gudoomiye Kuxigeenka 1aad, Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Gudoomiye Kuxigeenka 2aad, Ismaaciil Maxamed Warsame iyo Xildhibaanada Golaha Wakiilada.

Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka ayaa Guddoonka Baarlamaanka iyo Xildhibaanada la yeeshay kulan xogwareysi, wadatashi ku saabsan xaaladda dalku marayo iyo mowqifka Puntland ka qaadaneyso muddo kordhinta Hay’adaha Dowladda Federaalka.

Afhayeenka Madaxtooyada Puntland, Jaamac Yuusuf Jaamac (Deberani) ayaa sheegay in Xildhibaanada ay su’aalo weydiiyeen Madaxweynaha, ka dib markii sida uu sheegay uu warbixin ka siiyay xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in Xildhibaanada ay Madaxweynaha Puntland la wadaageen aragtidooda iyo weliba talo soo jeedin ay ka siiyeen xaaladda dalka.

Jaamac Deberani oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in kulankan uu qayb ka yahay wadatashiyo uu Madaxweynuhu ka waday Magaalada Garoowe, tan iyo markii uu Talaadadii dib ugu laabtay.

Deberani ayaa ugu dambeen sheegay in Madaxweynuhu sii wadi doono wadatashiyada, ka dibna ay Puntland war ka soo saari doonto mowqifkeeda ku aaddan muddo kordhinta Madaxtooyada iyo Baarlamaanka Somaliya.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com