Galmudug oo ka walaacsan qabsashada Shabaab ee Bacaadweyne (SAWIRRO)

Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug, Cali Daahir Ciid ayaa gelinkii dambe ee maanta shir guddoomiyay Shirka Amniga Galmudug.

Shirka oo ay ka qaybgaleen Saraakiisha Ciidamada Militariga, Nabad Suggida, Booliska iyo AMISOM ayaa diiradda lagu saaray xaalad amni ee deegaanada Galmudug iyo tallaabada ay Shabaabka kula wareegeen gacan ku haynta deegaanka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug.

Madaxweyne Kuxigeenka ayaa Saraakiisha labada ciidan faray inay dardargeliyaan hawlgalada ka dhanka ah maleeshiyada Ururka Al Shabaab.

Sidoo kale Cali Daahir Ciid, Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug ayaa hay’adaha ammaanka faray in la xoojiyo amniga Magaalooyinka Galmudug, inta lagu jiro bishan barakeysan ee Ramadan.

Madaxtooyada Galmudug ayaa walaac ka muujisay tallaabada ay maleeshiyada Al Shabaab Jimcihii kula wareegeen gacan ku haynta deegaanka Bacaadweyne.

Shabaabka ayaa bilaa dagaal kula wareegay deegaankaasi, oo mid muhiima u ahaa Maamulka Gobolada Dhexe ka dhisan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com