R/wasaare Kuxigeenka oo la kulmay Danjiraha Shiinaha (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Somaliya, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Danjiraha Shiinaha ee dalka u joogga, Amb. Qin Jian

Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka ayaa sheegay in Safiirka Shiinaha uu kala hadlay arrimo dhowr ah, oo ay ka mid yihiin iskaashiga waxbarashada, dhaqaalaha, arrimaha bani’aadanimada, amniga iyo dadaalada lagula tacaalayo xanuunka COVID-19 ee fayriska Corona uu keeno.

“Farxad ayay ii ahayd inaan maanta la kulmo Danjire Qin Jian. Waxaan ka wadahadalnay xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhaxeeya Somaliya iyo Shiinaha ee ku aaddan iskaashiga waxbarashada, dhaqaalaha, bani’aadanimada, amniga iyo sidoo kale dadaalada socda ee tallaalka Sinopharm lagula tacaalayo COVID-19.” Ayuu yiir Mahdi Maxamed Guuleed oo warkan ku sheegay bartiisa Twitter-ka.

Tallaalka Shiinuhu sameeyo ee SINOVAC ayaa toddobaadkii hore dalka la keenay, Wasaaradda Caafimaadka ayaana Safiirka Shiinaha ka guddoontay 200,000 oo doos.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com