Farmaajo oo la kulmay Taliye-yaasha Xoogga Dalka & AMISOM (SAWIRRO)

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warbixin wadajir ah ka dhageystay Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Taliyaha Guud ee Ciidanka AMISOM.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay qiimaha ay leedahay iyadoo aynu ku jirno Maamuuska Sannad-guurada 61aad ee ka soo wareegtay aas-aaskii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed in geesiyaasha Ciidammada Qalabka Sida ay dib u hanteen hoggaaminta hawlgalada amni ee dalka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage ayaa ka warbixiyay tayada iyo awoodda ay ugu diyaarsanyihiin in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed uu hoggaamiyo hawlgalada wadajirka ah ee lagu la dagaalamayo maleeshiyada Al Shabaab.

Sidoo kale Taliyaha Guud ee Ciidanka AMISOM, General Diomede Ndegeya ayaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ku ammaanay sida ay u wajaheen ugana adkaadeen isku daygii fashilmay ee ay argagixisadu dhawaan ku weerartay deegaanada Bariire iyo Awdheegle ee Gobolka Shabellaha Hoose, taas oo muujisay tayada iyo diyaargarowga buuxa ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay sida ay shacabka iyo Dowladduba ugu kalsoon yihiin kartida iyo awoodda geesiyaasha Soomaaliyeed ee CXDS, isaga oo ku bogaadiyey sida ay naftooda ugu hurayaan difaaca dadka iyo dalka Soomaaliyeed. Sidoo kale waxa uu dhiirigeliyay Xoogaga AMISOM dadaalka nafhurnimada leh ee ay ku bixiyeen nabadeynta iyo Dowladnimada Somaliya, isaga oo hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay xiriirka iyo wadashaqaynta abada ciidan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com