Galmudug iyo Puntland oo iska kaashanaya amniga Gaalkacyo (SAWIRRO)

Kulankaan oo ahaa mid looga Arinsanayay sii dar-dar galinta xoojinta Amniga Iyo la dagaalanka Argagixisada oo ay muddooyinkii u danbeeyay si weyn isaga kaashanayeen dowllad gobaleedyada Galmudug Iyo Puntland ayaa lagu qabtay magaalada Gaalkacyo.

Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen Wasiirada Amniga dowlad-gobaleedyada Puntland iyo Galmudug Saraakiisha laamaha Amniga labada maamul-goboleed Gudoomiye-yaasha Gobolka Mudug ee Galmudug iyo Puntland ayaa intii uu socday looga hadlaayay sii xoojinta Amniga iyo la dagaalanka kooxaha qaswadayaashaa ee Argagixisada Al Shabaab kuwaas oo lays kula soo qaaday kulanka in ay doonayaan in colaad ka dhex abuuraan Shacabka gobalka mudug iyagoo adeegsanaya kooxo nabada carqaladeeyo.

Kulanka ayaa markii uu soo idlaaday waxaa Warbaahinta si Wadajir Ah ula hadlay Wasiirka Wasaarada Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi Iyo Wasiirka Wasaarada Amniga Puntaland Cabdi Samad Maxamed Galan Oo ka Warbixiyay waxyaabihii kulanka looga hadlay iyagoo sheegay in maamulada galmudug iyo puntland ay iska kaashan doonaan sidii argagixisada looga xoreyn lahaa deegaanada koofurta gobalka Mudug gaar ahaan deegaanada hoostaga magaalada Bacaadweyne.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com