Garoonka Aadan Cadde oo lagu qabtay lacag sharci darro ah

Ciidanka Booliiska ee Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho oo maanta gacanta ku dhigay lacag aan la shaacin cadadkeeda taa oo sharci darro ku soo gashay dalka.

Lacagtan ayaa la socotay diyaarad ka timid dalka Kenya sida ay xaqiijiyeen Booliiska Garoonka.

Weli ma cadda sababta iyo halka ay ku socotay lacagtan.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa sheegay in baaritaan ay ku wadaan, wixii faahfaahin ahna ay dib ka soo sheegi doonaan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com