General Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare, Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa ku baaqay in la baaro weerarkii xalay gaadiidkii uu la socday loogu gaystay Magaalada Muqdisho.
General Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare oo saqdii dhexe ee xalay shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay gaarigiisa iyo gaari kale oo ilaaladiisa la socotay lagu rasaaseeyay Isgoyska Mirinaayada ee Degmada Cabdicasiis.
Waxaa uu sheegay in ciidamada rasaaseeyay aanay ahayn kuwii degmada, balse ay yihiin kuwo cusub oo xalay uun isgoyskaasi la keenay, kuwaa oo lagu magacaabo Duufaan. Magacaan Duufaan ayuu sheegay inaanu horey u maqal.
Xilligii la weerarayay ayuu sheegay inuu booqasho ugu socday dad masuuliyiin ah, oo degan Degmooyinka Cabdicasiis iyo Kaaran.
“Waxaan u socday booqasho dad masuuliyiin ah oo degan Degmada Kaaraan iyo Cabdicasiis.” Ayuu yiri Taliyihii hore ee Hay’adda NISA.

Cabdiraxmaan Tuuryare ayaa sheegay inuu aad uga xumaaday falka lagula kacay gawaaridii uu la socday, xilli sida uu sheegay la yaqaano gaarigiisa iyo askartii la socotayba.
“Waxaan aad uga xumahay iyadoo gaarigeyga la yaqaano, ciidankii ila saarnaa la yaqaano in meeshaasi gaarigeyga lagu xabadeeyo, ka horna la qash-qashaaday ciidankii ila socday.” Ayuu yiri General Tuuryare.
General Tuuryare ayaa xusay in weerarkan uu u arko mid daan-daansi ah, isagoo dhanka kalena ku baaqay in la baaro dhacdadaasi.
Maamulka Gobolka Banaadir iyo Saraakiisha laamaha amniga ayaan ka hadlin weerarkan ugu dambeeyay ee caweyskii xalay ka dhacay Caasimadda Muqdisho.
Muqdisho ayaa u muuqato mid ay weli ka taagan tahay xiisadda ka dhalatay muddo kordhinta toddobaadkii hore loo sameeyay Hay’adaha Dowladda Federaalka.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com