Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay dhigiisa dalka Congo (SAWIRRO)

Madaxweynaha Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho ku joogga Magaalada Kinshasa ee Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Congo ayaa la kulmay dhigiisa dalkaasi, Felix Tshisekedi.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la wadaagay dhigiisa Congo guulaha ay Dowladda Somaliya ka gaartay xasilinta dalka, dib-u-dhiska hay’adaha amniga, kobcinta dhaqaalaha, hannaanka dayn-cafinta, la dagaalanka argagixisada iyo xoojinta dimoqraadiyadda.

“Somaliya iyo Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo waxaa horyaala caqabado adag oo isku mid ah, oo ay tahay in aan iska kaashanno si aan u xaqiijino horumarka labadeena shacab. Caqabadahaas waxaa ka mid ah xagjirnimada, saboolnimada, shaqo la’aanta dhallinyarada iyo argagixisada caadeystay carqaladeynta horu-socodka dalalkeenna”

Dhankiisa, Madaxweyne Felix Tshisekedi oo ah Madaxweynaha Midowga Afrika ayaa Madaxweyne Farmaajo uga mahadceliyay aqbalaadda casuumadda ay u fidiyeen, isaga oo bogaadiyay guulaha la taaban karo ee ay shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ku tallaabsadeen.

Labada Madaxweyne oo kulankoodu ka dhacay Aagga Midowga Afrika ee Caasimadda Kinshasa ayaa si wadajir ah isula xoojiyay muhiimadda ay labada dal u leedahay in ay yeeshaan xiriir iskaashi, oo ku dhisan ka wada-shaqaynta danaha labada qaran iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay kor u qaadidda xiriirka ka dhaxeeya dalalka Afrika.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha iyo shacabka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Congo sida wanaagsan, ee ay u soo dhoweeyeen Isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna tilmaamay in Dowladda Federaalka Somaliya ay ku garab istaageyso Madaxweyne Tshiskedi doorkiisa hoggaaminta Midowga Afrika.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, Wasiirka Batroolka & Macdanta, Eng. Cabdirashiid Maxamed Axmed, diblomaasiyiin iyo Lataliyeyaal ka tirsan Madaxtooyada Qaranka.

-DHAMMAAD-

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com