Askarigii dilay George Floyd oo dembi lagu helay (SAWIRRO)

Derek Chauvin, askarigii horey uga tirsanaa Booliska Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ayaa lagu helay dhammaan eedeymihii loo haystay, ee la xiriiray dilka ninkii madowga ahaa ee George Floyd.

Askarigan ayaa bishii May ee sanadkii 2020 laga duubay muuqaal, isagoo jilibkiisa qoorta ka saaray George Floyd, taasoona loo aaneeyay inay sababtay geeridiisa, ka dib markii uu naqaska ku dhegay. Tani ayaa dhalisay dibadbaxyo heer caalami ah oo looga soo horjeedo cunsuriyadda.

Guddiga Xeer-beegtida ayaa ku dhawaaqay in Derek Chauvin lagu helay darajada 2aad ee dil aan qasdi ahayn, darajada 3aad ee dil ula kac ama bareer ah iyo darajada 2aad oo dil aan ula kac ahayn.

Ka dib go’aankii Xubnaha Guddiga Xeer-beegtida ayaa waxaa Magaalada Minneapolis ka bilowday dibadbaxyo lagu taageerayo go’aankaasi.

Ciidamada ammaanka ayaa katiinad ku jeebadeeyay ninkaasi, iyagoona u kaxeeyay xabsiga, wuxuuna wajahayaa xabsi dheer.

Laba iyo tobanka Xeer-beegti ee go’aanka soo saaray 6 ka mida waa caddaan, 4 waa madow iyo 2 ay iska dhalleen qowmiyado kala duwan, waxaana xusid mudan in 7 ka mida ah haween yihiin.

Tani ayaa noqoneyso markii ugu horeysay taariikhda Gobolka Minnesota inay maxkamadi dembi ku hesho askari caddaan ah, oo loo haysto dilka qof madow.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com