General Odawaa oo la kulmay Saraakiil ka socotay Turksom (SAWIRRO)

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku qaabilay Saraakiil ka socotay Taliska Ciidanka Turkiga (Turksom).

Kulanka oo ka dhacay Xafiiska Taliyaha Ciidanka Xoogga ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iyo dhismaha Ciidanka Qaranka, iyadoona uu Turkiga muhiim u yahay dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka Sida.

“Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Genera Odawaa Yuusuuf Raage ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay u qybsanaha arrimaha ciidanka u fadhiya Turkiga dalkeena Somaliya, Gaashaanle Sare Ozan.” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka.

Qoraalka ayaa lagu yiri “Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa G/sare Ozan kala hadlay, sidii loo dardargelin lahaa xoojinta iyo dhisidda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.”

Turkiga waa saaxiibka ugu weyn ee maanta Somaliya leedahay, iyadoo Dowladda Federaalka uu ka taageero kaabayaasha dhaqaalaha, dib-u-dhiska dalka iyo weliba ciidamada.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com