Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenya ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray Magaalada Kinshasa ee Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Congo.
Wafdiga Madaxweynaha Kenya ayaa waxaa Garoonka Caalamiga ee N’djili ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Congo, Felix Tshisekedi.
Madaxweynaha Kenya ayaa ka jawaabayay casuumaad uu ka helay dhigiisa dalkaasi ahna Gudoomiyaha Midowga Afrika.
Madaxweynaha Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo geba-gabeeyay booqashadiisii dalkaasi, oo laba cisho qaadatay.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo ka mid ahaa wafdiga Madaxweyne Farmaajo ku wehlinayay booqashadaasi ayaa sheegay inay Somaliya aqbashay in Midowga Afrika uu dhexdhexaadiyo Dowladda Federaalka iyo Danleyda Siyaasadda ee dalka.
Inkastoo muddooyinkii ugu dambeysay uu xumaa xiriirka diblomaasiyadeed ee Dowladaha Somaliya iyo Kenya ayaa waxay Somaliya marar badan ku eedeysay Kenya in ay fara-gelin ku hayso arrimaheeda gudaha, taasi ayaana loo maleynaya in Gudoomiyaha Midowga Afrika uu Madaxweynaha Kenya kala hadlayo, isla-markaana uu ka shaqaynayo, sidii dib loogu soo celin lahaa xiriirka labada.












Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com