Mahdi Guuleed oo la kulmay Guddiga Doorashooyinka (SAWIRRO)

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa caawa kulan afur ah la yeeshay Guddiyada Doorashooyinka Qaranka & Xalinta Khilaafaadka.

Dowladda Federaalka ayaa muddo ka dib u yeertay Xubnaha Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal & Heer Dowlad Goboleed iyo Xalinta Khilaafaadka, ka dib khilaaf in muddo ahba hareeyay hannaanka geedi-socodka ee doorashooyinka dalka.

Golaha Shacabka ayaa 12-kii bishan meesha ka saaray heshiiskii 17-kii September, soona saaray qaraarka dalka dib loogu jiheynayo doorasho qof iyo cod, muddo laba sano ah.

Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka ayaa uga mahadceliyay dadaalkii ay muujiyeen muddada ay shaqaynayeen.

Xiisadda ka dhalatay muddo kordhinta labada sano ee loo sameeyay Hay’adaha Dowladda Federaalka ayaa si guud dalka looga dareemay, loogana hadalhaya.

Khilaafka doorashooyinka dalka ayaa gaaray meeshii ugu adkeyd, waana markii ugu horeysay khilaaf ceynkani oo kala ah labaatankii sano ee ugu dambeysay ee dib-u-dhiska Dowladnimada Somaliya.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com