Gabdho walaalo ahaa oo ku dhintay madaafiicdii Magaalada Muqdisho

Fahdi Caddow Cabdi iyo Faa’isa Caddow Cabdi ayaa ku dhintay madfac galabta ku dhacay gurigooda, oo ku yaala Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir.

Madfacan ayaa ka mid ahaa illaa lix madfac oo lagu weeraray Madaxtooyada Magaalada Muqdisho, kuwaa oo intooda badan ay ku kala dhaceen xaafado rayid degan yihiin oo ku kala yaala Degmooyinka Warta Nabadda iyo Boondheere.

Fahdi iyo Faa’isa ayaa ahaa gabdho waxbartay. Sanadkii 2020 ayayna ahayd markii Fahdi ay ka qalin jebisay Jaamacadda Muqdisho, iyadoona baratay Kulliyadda Dhaqaalaha.

Cabdicasiis Maxamed Xasan oo nin dhalinyaro ahaa ayaa isna ku geeriyooday madfac ku dhacay hoygooda oo ku yaala Degmada Warta Nabadda, waana xilli ay qoyskiisu sheegeen inuu hurday. Cabdicasiis ayaa dhawaan safar ugu socday dalka Turkiga, si halkaasi uu waxbarashadiisa uga sii wato.

Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama ayaa sheegtay masuuliyadda weerarka madaafiicda loo adeegsaday ee loo tuuray dhanka Villa Somalia.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com