Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ayaa maanta deeq raashiin gaarsiisay dadka barakacayaasha ee ku nool xerada Siliga ee Degmada Dharkiinley ee Gobolka Banaadir.
Barakacayaashan ayaa u badan dad ka soo barakacay Gobolka Shabellaha Hoose, iyadoona Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ay deeqdaasi raashiin ku wareejisay Xarunta Al Raxma, si ay ugu qaybiyaan qoysaska barakacayaasha.
Deeqdan ayaa isugu jirtay bur, bariis, sonkor, saliid iyo timir, si dadkaasi danyarta ahi ugu moodaan bishan barakeysan ee Ramadan.
Gudoomiye Kuxigeenka Hay’adda Hormuud Salaam Foundation, Cabdiraxmaan Ibraahim Cilmi (Kobac) ayaa sheegay in deeqdan ay qayb ka tahay barnaamijka afurinta ee Hormuud Salaam ugu talagashay dadka danyarta ah iyo kuwa kale ee baahiyaha gaarka ahi qaba.
Gudoomiye Kuxigeenka HSF ayaa tilmaamay in Hormuud Salaam ay bishan Ramadan sii wadi doonto caawinta dadka nugul.
Dhinaca kale Axmed Sheekh Mustafa, Gudoomiyaha Xarunta Al Raxma ayaa Hay’adda HSF uga mahadceliyay deeqdan raashiin ay soo gaarsiisay, ka Al Raxma ahaana ay si siman ugu qaybin doonaan qoysaska barakacayaasha.
Hormuud Salaam Foundation ayaa bishan oo kale sanad kasta waxay fulisaa mashaariic ballaaran oo deeq lagu gaarsiiyo dadka danyarta iyo kuwa kale ee baahiyaha gaarka ahi qabo, iyadoona ay deeqdaasi barbar socoto barnaamij kale oo dadka danyarta ahi lagu afuriyo.








Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com