Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyadeeyay geerida Madaxweyne Deby

Madaxweynaha Somaliya, Maxamed Cabdallaahi Farmaajo ayaa uga tacsiyadeeyay shacabka iyo Dowladda Chad, geerida Madaxweyne Idriss Deby, oo Talaadadii u dhintay dhaawac ka soo gaaray, intii uu socday iska horimaad hubeysan, oo u dhaxeeya ciidamada dalkaas iyo kooxo hubeysan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa yiri “Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo magaca Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya, waxaan ka tacsiyeynayaa hoggaanka iyo shacabka Chad geeridii ku timid Madaxweyne Idriss Deby, oo dhintay shalay oo Talaado ahayd.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in Idriss Déby uu ahaa Hoggaamiye Dowladeed, uuna dhintay isagoo ilaalinaya dadkiisa iyo qarankiisa.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com