Masuuliyiinta booqatay Isbitaalka Xoogga ee Muqdisho (SAWIRRO)

Xoghayaha Guud Xafiiska Ka Hortagga Askareynta Carruurta & Gabagalka Xad-gudubyada Ka Dhanka Carrurta ee Wasaaaradda Gaashaandhigga, Mursal Buule oo ay wehliyaan Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Ganacsiga, Cali Bagadi, Xildhibaan Nuur Siidow Baaba iyo xubno kale oo ay qayb ka yihiin Waxgaradka Degmada Awdheegle ee Gobalka Shabellaha Hoose ayaa maanta booqday Isbitaalka Xoogga Dalka ee Magaalada Muqdisho, oo lagu dabiibayo carruur Dugsigoodii Qur’aanka ay madaafiic ku tuureen maldeeshiyada Al Shabaab.

Agaasimaha Isbitaalka Xoogga, Dr. Sadaam Cabdullaahi oo xubnahan ku soo dhaweeyay isbitaalka ayaa sheegay in Taliska Xoogga Dalka ay daryeel caafimaad u fidiyeen carruurtan, oo iminka xaaladooda caafimaad ay soo reynayso.

Mursal Buule iyo xubnihii kale ee la socday ayaa Taliska Ciidanka Xoogga Dalka iyo Maamulka Isbitaalka Xoogga ku ammaanay dadaalka ay ku bixiyeen, sidii carruurtan ay u heli laheyd daryeel caafimaad oo wanaagsan.

Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ballanqaaday inay si dhow ula socon doonaan, ugana warqabi doonaan xaaladda carruurtaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com