HSF oo lacago u qaybisay haweenka danyarta ee Muqdiso (SAWIRRO)

Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ayaa maanta deeq lacageed gaarsiisay haween danyar ah, oo isugu jira naafo iyo kuwo da’ ah, kuwaa oo laga soo kala xulay 17-ka degmo ee Gobolka Banaadir.

Haweenkan oo u badan kuwa baahiyaha gaarka ahi qaba ayaa loo qaybiyay lacago caddaan ah, si ay ugu moodaan bishan barakeysan ee Ramadan, ugana dhigtaan afurkooda.

Gudoomiye Kuxigeenka Hay’adda Hormuud Salaam Foundation, Cabdiraxmaan Ibraahim Cilmi ayaa sheegay in dadkan loo soo xulay, hadba sida ay u kala baahi badan yihiin.

Gudoomiye Kuxigeenka ayaa tilmaamay in deeqdan lacageed oo gaareysa toddobo kun oo lacagta Mareykanka ah ($7,000) ay ugu talagaleen illaa 140 qoys oo danyar ah.

Gudoomiyaha Ururka Haweenka ee Gobolka Banaadir, Jawaahir Baarqab ayaa deeqdaan lacageed ku tilmaamtay mid muhiim u ah haweenka danyarta ah, iyadoo dhanka kalena uga mahadcelisay HSF.

Basma Caamir, Gudoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Banaadir oo iyaduna goobta ka hadashay waxay sheegtay in Hormuud Salaam ay door weyn ka qaadaneyso taakuleynta dadka danyarta ah.

Dadkii ka faa’iideystay deeqdaasi oo qaarkood hadlay ayaa waxay sheegeen in kaalmadaan la gaarsiiyay, xilli ay baahi badani u qabeen.

Hay’ada Hormuud Salaam Foundation ayaa dardargelinaysa taageerada ay u fidinayso dadka danta yar iyo kuwa kale baahiyaha gaarka qaba, xilli lagu jiro bisha soon-qaad, sidoo kalena ay hay’addu afurin u sameyso kumanaan qof maalin walba, iyaga oo isticmaalaya Number-ka gaaban ee 144 oo loogu diro adeegga EVC Plus.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com