Puntland oo soo saartay mowqifkeeda ku aaddan muddo kordhinta DF

Maamulka Puntland ayaa mowqif adag ka qaatay tallaabada uu Golaha Shacabka labada sano ugu kordhiyay Hay’adaha Dowladda Federaalka.

War ay soo saartay Puntland ayaa lagu sheegay, ka dib muddo kordhinta Madaxtooyada iyo Baarlamaanka Somaliya loo sameeyay in Goleyaasha Puntland ay wadatashi ka yeesheen xaaladda siyaasadeed ee dalka, sidoo kalena ay arrintaasi iskaashi kala sameeyeen ururada bulshada rayidka, aqoonyahanada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Iyadoo Puntland ixtiraamayso talooyinka hay’adaheeda dowliga ah iyo bulshada rayidka ayaa waxay soo saartay toddobo qodob oo ku aaddan mowqifkeeda la xiriira arrinta doorashada ee dalka.

Akhriso mowqifka Puntland:-

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com